RADIO MUQDISHO: Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, oo ay weheliyaan Safiirka aan joogtada ahayn ee Soomaaliya u fadhiya dalalka Mozambique, Angola, Botswana, Zimbabwe iyo Namibia, mudane Maxamed Sheekh Ciise, ayaa qayb galay xaflad weyn oo ka dhacday magaalada Johannesburg ee dalkaasi Koonfur Afrika.
Xafladdan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika, si ay ugu soo dhaweeyaan, isla markaasina ay ugu sagootiyaan wafdiga uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka, kuwaas oo mudooyinkii dambe ku sugnaa dalkaasi Koonfur Afrika.