Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhambaal Tacsi;- Marxuum Danjire Sharif Mohamed Omar

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
1 year ago
in Wararka
0
Dhambaal Tacsi;- Marxuum Danjire Sharif Mohamed Omar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, Wasiiru dowlaha Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiir kuxigeenka Mudane Isaaq Maxamed Mursal, Xoghayaha joogtada Wasaaradda Mudane Hamsa Aadan Xaadow, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada Guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Danjire Shariif Maxamed Cumar, oo Jimcihii shalay  22 August 2025 ku geeriyooday, Magaalada Dooxa ee dalka Qatar oo muddooyinkii dambe ku xanuunsanayay.

Marxuum Amb. Sharif Mohamed Omar oo ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay billowgii dowladnimada loo diray waxbarasho sare oo dibadda ah ayaa haystay labo shahaado “Laurea” oo uu ka qaatay Jaamacadda Rome intii u dhexeysay 1962-1969, xilligan u dhiganta heerka labaad ee Jaamacadda “Master degree”. Shahaadada koowaad ayaa ah Culuunta Tirakoobka Dadweynaha (Statistical & Demographic Sciences), halka shahaadada labaad ay tahay Culuunta Siyaasadda (Political Science).

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Marxuum Shariif Maxamed Cumar ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ku biirray sanadkii 1976, isaga oo ka mid noqday saraakiisha sare ee Waaxda Dhaqaalaha ee Wasaaradda.

Ka hor inta aanu Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku biirin, waxa uu ka soo shaqeeyay labo wasaaradood oo kala ah:

▸Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo uu ka shaqaynayay intii u dhexeysay 1969-1970 isaga oo ahaa sarkaal ka tirsan Waaxda tirakoobka ganacsiga gudaha iyo dibadda, isaga oo sanad kadib loo dallacsiiyay madax qeybeed.
▸Wasaaradda Ganacsiga oo uu ka shaqaynayay intii u dhexeysay 1970-1976, isaga oo labo mar oo is xiga ka noqday agaasime waaxeed waaxyaha kala ah:
➝1973-1976 Agaasimaha Waaxda Isdhaafsiga ganacsiga, Soo dejinta iyo dhoofinta.
➝ 1970-1973 Agaasimaha Waaxda Tirakoobka ganacsiga gudaha iyo dibadda.
➝1972-1973 Kusimaha Maarreeyaha guud ee Shirkadda Ceymiska Qaranka.

■ Intii u dhexeysay 1976-1977 waxa uu ahaa Lataliyaha koowaad ee Arrimaha Siyaasadda, Maamulka iyo Dhaqaalaha ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga.

■ Intii u dhexeysay 1977-1982 waxa uu ahaa Lataliyaha koowaad ee Arrimaha Siyaasadda, Maamulka iyo Dhaqaalaha ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Germany.

■ Intii u dhexeysay 1982-1986 waxa uu ahaa Lataliyaha koowaad ee Arrimaha Siyaasadda, Maamulka iyo Dhaqaalaha ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Belgium.

■ Intii u dhexeysay 1986-1989 waxa uu ahaa Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga.

■ Intii u dhexeysay 1989-2008 waxa uu ahaa Safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar.

Marxuum Shariif Maxamed Cumar oo ku dhashay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, 14 November, 1940 , ayaa ifka uga tagay xaas iyo caruur, isaga oo u adeegay dalka iyo dadka Soomaaliyeed muddo 38 sano si daacadnimo oo nafhurnimo leh.

Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa , ehelladiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo, Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Previous Post

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan la qadatay Xoghayaha Shaqaallaha Dowladda Norway

Next Post

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari oo ka socota Laascaanood

Next Post
Doorashada Guddoonka Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari oo ka socota Laascaanood

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari oo ka socota Laascaanood

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In