Monday, August 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
1 year ago
in Wararka
0
Dr.Aadan Cabdillaahi Aw Xasan oo loo doortay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo u diray Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo xubnaha Xildhibaanadda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari u doorteen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo labadiisa kuxigeen ka dib doorasho ka dhacday magaaladda Laascaanood.

Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku amaanay Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari gudashada mid ka mid ah waajibaadkooda muhiimka ah, waxa uuna guddoomiyaha cusub ee la doortay iyo kuxigeenadiisa Alle SWT uga baryay inuu u fududeeyo waajibka shaqo ee loo doortay, asigoo sheegay inuu Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka garab taaganyahay lana shaqeyn doono.

Related posts

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

August 24, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

August 24, 2026

Xildhibaanadda Golaha wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari ayaa Guddoomiyaha Golaha wakiiladda ee maamulkaasi u doortay Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan, waxayna guddoomiye kuxigeenka koowaad u doorteen Amran Axmed Xasan, halka guddoomiye kuxigeen labaad ay u doorteen Mudane Cabdirisaaq Jaamac Warsame.

Previous Post

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan la qaatay Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed

Next Post

Wasaaradda Waxbarasha XFS oo maanta ku dhawaaqi doonta natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare

Next Post
Wasaaradda Waxbarasha XFS oo maanta ku dhawaaqi doonta natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare

Wasaaradda Waxbarasha XFS oo maanta ku dhawaaqi doonta natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

August 24, 2026
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS, Maxamed Cismaan Nastaara, ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

August 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed, ayaa Muqdisho tababar ugu soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO DAAHFURAY SHIRKA HORUMARINTA WAXBARASHADA KOONFUR GALBEED

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO DAAHFURAY SHIRKA HORUMARINTA WAXBARASHADA KOONFUR GALBEED

August 24, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si rasmi ah u daahfuray Shirka Horumarinta Waxbarashada Koonfur...

Hay’adda Qaxootiga oo la wareegtay daawo loogu talagalay dadka dalka kusoo laabanaya

Hay’adda Qaxootiga oo la wareegtay daawo loogu talagalay dadka dalka kusoo laabanaya

August 24, 2026
0

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa la wareegtay daawo iyo agab caafimaad oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee dalka kusoo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In