Wednesday, December 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wajiga 4aad ee Mashruuca sugnaanta Cunnada oo laga daah-furay xarunta SoDMA

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 months ago
in Wararka
0
Wajiga 4aad ee  Mashruuca sugnaanta Cunnada oo laga daah-furay xarunta SoDMA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) laga daah-furay Wajiga Afaraad ee Mashruuca Sugnaanta Cunnada, kaas oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu sida weyn u saameysay.

Wajigan cusub waxaa fulinaya Xarunta King Salman ee Samafalka iyo Gargaar Aadanaha (KSRelief), waxaana si toos ah u hirgelinaysa Hay’adda Tadaamun, iyadoo taageero ka helaysa Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Related posts

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

December 2, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

December 2, 2025

Qeybtan cusub ee mashruuca waxaa ka mid ah 5,085 tan oo raashin ah oo qiimahoodu dhan yahay $6.4 milyan, kuwaas oo si toos ah uga faa’iideysan doona 805,020 qof oo Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa wajahaya xaaladaha adag ee abaaraha iyo cunto yaraanta dalka ka jirta.

Xafladda waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, Safiirka Dowladda Sacuudiga u jooga Soomaaliya, wakiillo ka socday Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-duwidda Arrimaha Bini’aadannimada (OCHA).

 

Previous Post

HIQ iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay iskaashi ku saabsan AI iyo tiknoolajiyadda hawada sare

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb gashay dalka Masar

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb gashay dalka Masar

Dowladda Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb gashay dalka Masar

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

December 2, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin, waxaana munaasabadda lagu martigeliyey...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

December 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowladda UK oo...

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

December 2, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi sare...

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

December 2, 2025
0

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta kormeeer kooban ugu tagay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In