Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi, ayaa kulan la qaatay Madaxa U Adkeysiga Afooyinka ee Midowga Yurub, Marwo Mayra.
Kulanka, oo ka dhacay xarunta Midowga Yurub ee magaalada Nairobi, waxaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha xal u helidda dadka ku barakacay dalka iyo meel-marinta sharciyada, sida sharciga qaxootiga iyo magangelya doonka.
Hay’adda ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii loo abuuri lahaa waxqabad muuqda oo xal loogu raadinayo bulshada barakacday, iyadoo la kaashanaysa daneeyeyaasha u heelan wax ka qabashada arrimahan.