Tuesday, December 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay Duqa Magaalada Minneapolis

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
3 months ago
in Wararka
0
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay Duqa Magaalada Minneapolis
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO(MINNIAPOLIS): Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa maanta kulan rasmi ah la yeeshay Duqa Magaalada Minneapolis, Mudane Jacob Frey.  Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa xoojinta xiriirka ka dhexeeya maamulka magaalada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed, iyo ka wada hadalka arrimaha horumarinta dhaqanka, dalxiiska, bulshada, iyo dhaqaalaha.

Intii uu kulanku socday, Duqa Minneapolis ayaa Wasiirka uga warbixiyey xaaladda guud ee magaalada, adeegyada bulshada, iyo sida bulshada Soomaaliyeed ay door muhiim ah uga ciyaaraan horumarinta magaalooyinka iyo dhisidda bulsho isku xiran. Waxa uu sidoo kale ka hadlay barnaamijyada kala duwan ee dowladda hoose ee Minneapolis ku taageerto bulshada qurbajoogta, gaar ahaan adeegyada waxbarashada, caafimaadka, fursadaha shaqo, iyo horumarinta dalxiiska.

Related posts

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

December 23, 2025
Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

December 23, 2025

Wasiir Al-Cadaala ayaa uga mahadceliyey Duqa Minneapolis sida sharafta leh ee uu xafiiskiisa ugu soo dhaweeyey, isagoo xusay muhiimadda iskaashiga iyo xiriirka dhow ee ka dhexeeya Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo maamulka magaalada. Wasiirku wuxuu tilmaamay in kulankan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta labada dhinac, islamarkaana lagu horumarinayo fursadaha dhaqanka, dalxiiska, iyo adeegyada bulshada ee magaalada Minneapolis iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey sida bulshada Soomaaliyeed ay uga qeyb qaadan karto horumarinta dhaqanka, dalxiiska, iyo adeegyada bulshada, iyadoo la isku raacay in la sameeyo iskaashi joogto ah oo dhanka warfaafinta iyo wacyigelinta bulshada ah.

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Shiinaha

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xiddig Ramla Cali guddoonsiiyey Shahaado Sharaf

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xiddig Ramla Cali guddoonsiiyey Shahaado Sharaf

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xiddig Ramla Cali guddoonsiiyey Shahaado Sharaf

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

December 23, 2025
0

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah yeeshay ayaa ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

December 23, 2025
0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayey kuwa Sirdoonka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheeysan oo lagu naafeynayey khawaariijta ka...

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

December 23, 2025
0

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kormeer shaqo ku tagay deegaanno iyo degmooyin...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

December 23, 2025
0

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari oo lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah hub ugu dhex wateen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In