RADIO MUQDISHO:- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Booliiska Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi ayaa Saraakiil dhawaan dallacaad loo sameeyey usoo xiray tababar aqoon kororsi ah, oo la xiriira shuruucda iyo nidaamka maamulka.
Xarunta Akadeemiyadda Ciidanka Booliiska ayaa laga dhaqangeliyey isbadal lagu sameeyey dhinaca Waxbarista Ciidanka, oo hadda ay saraakiishani bar bilow u noqdeen, in Saraakiisha dalacda lagu siiyo tababaro aqoontooda kor loogu qaadayo, si looga dhabeeyo wax ka badalka lagu sameeyo hab dhaqanka iyo aqoon-kordhinta Ciidanka Boliiska.