Wednesday, December 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka wasaaradda Isgaarsiinta XFS oo ka qayb galay shir muhiim ah

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
3 months ago
in Wararka
0
Wasiirka wasaaradda Isgaarsiinta XFS oo ka qayb galay shir muhiim ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada ee XFS Mudane ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—”๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—บ (๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ), ayaa intii uu socday Shirweynaha 28-aad ee Ururka Boostada Adduunka (UPU), la yeeshay kulamo istiraatiiji ah dhiggiisa Wasiirka Isgaarsiinta iyo Dhaqaalaha Dijitaalka ee Kenya iyo wufuud heer Qaran ah oo ka socotay Zimbabwe iyo Imaaraadka Carabta.

Kulammadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee boostada iyo tiknoolajiyada, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay horumarinta nidaamyada isu-socodka alaabaha iyo waraaqaha boostada (mail items), maadaama Soomaaliya dhawaan dib u bilowday adeegyada boostada caalamiga ah.

Related posts

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

December 23, 2025
Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

December 23, 2025

Wasiir Maxamed Soomaali ayaa caddeeyey in Soomaaliya ay ka goโ€™an tahay dhisidda iskaashi waara oo lala yeesho waddamada gobolka iyo caalamkaba, si loo xaqiijiyo in adeegyada boostada dalka ay noqdaan kuwo casri ah, isla markaana si buuxda ula jaan qaada heerarka caalamiga ah.

Dhiggooda Kenya, Zimbabwe iyo Imaaraadka Carabta ayaa ku bogaadiyey dadaallada Soomaaliya ee lagu horumarinayo adeegyada boostada, waxayna muujiyeen diyaar-garow buuxa oo ku aaddan xoojinta iskaashiga, gaar ahaan tababarrada, taageerada farsamo iyo fududeynta isu-socodka caalamiga ah ee alaabaha boostada.

Kulammadan ayaa qeyb ka ah istiraatiijiyadda Soomaaliya ee ku wajahan dib-u-soo celinta kaalinta boostada Soomaaliya iyo in dalka si buuxda uga mid noqdo nidaamka caalamiga ah ee is-dhaafsiga boostada, taas oo kaalin mug leh ka qaadaneysa horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga, iyo isku xirnaanta bulshada Soomaaliyeed.

 

 

Previous Post

Taliyaha Booliska Soomaaliya Oo Tababar U Soo Xiray Saraakiil Booliis Ah

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Dhagax-Dhigay Xaruntii Wasaaradda Waxbarashada Dalka

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Dhagax-Dhigay Xaruntii Wasaaradda Waxbarashada Dalka

Ra'iisul Wasaaraha XFS Oo Dhagax-Dhigay Xaruntii Wasaaradda Waxbarashada Dalka

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

December 23, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiista ee XFS Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa galabta tababar u soo xiray in ka badan...

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

December 23, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenkii hore ee dalka Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

December 23, 2025
0

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah yeeshay ayaa ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

December 23, 2025
0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayey kuwa Sirdoonka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheeysan oo lagu naafeynayey khawaariijta ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In