Friday, November 28, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Adeeg loogu talagalay maareynta gal-dacwadeedyada oo Muqdisho laga hirgaliyay

Adeeg loogu talagalay maareynta gal-dacwadeedyada oo Muqdisho laga hirgaliyay

Ali Ahmed by Ali Ahmed
2 months ago
in Wararka
0
Adeeg loogu talagalay maareynta gal-dacwadeedyada oo Muqdisho laga hirgaliyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaar kamid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya Cadaaladda dalka ayaa ka qeybgalay kulan la xiriiray soo bandhigga adeeg dhanka computerka ah oo loogu talagalay maareynta shaqooyinka khuseeya gal-dacwadeedyada.

Bandhigidda qalabkaan oo ku shaqeyn doona habka diijitaalka ah,waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare,Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka,Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka,Xoghayaha Wasaaradda Caddaaladda,Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska iyo Taliyaha Hoggaanka barista Dambiyada.

Related posts

Wasiirka Tamarta XFS “ waxaa noo qorsheysan mashruuca koronto galinta ee goobaha caafimaadka iyo kuwo waxbarashada”

Wasiirka Tamarta XFS “ waxaa noo qorsheysan mashruuca koronto galinta ee goobaha caafimaadka iyo kuwo waxbarashada”

November 28, 2025
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

November 28, 2025

Kulankii bandhigga adeegaan waxaa ka hadlay Guddoomiyaha maxkamadda Sare Baashi Yuusuf iyo qaar kamid ah maamulada qeybaha caddaaladda,kuwaas oo ka warbixiyay ahmiyadda qalabkaan iyo sida uu uga qeybqaadan karo howlaha ku saabsan baarisyada iyo la socodka dambiyada.

Dhameystirka mashruucaan waxaa mudada uu socdo maalgalinaya Dowladda Mareykanka,iyadoo hannaankaan casriga ah uu yahay mid loo qorsheeyay in uu fududeeyo isku xirka shaqooyinka maalinlaha ah ee u dhaxeeya bahda caddaaladda .

Previous Post

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Next Post

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

Next Post
Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

Wasiirka Tamarta XFS “ waxaa noo qorsheysan mashruuca koronto galinta ee goobaha caafimaadka iyo kuwo waxbarashada”

Wasiirka Tamarta XFS “ waxaa noo qorsheysan mashruuca koronto galinta ee goobaha caafimaadka iyo kuwo waxbarashada”

November 28, 2025
0

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in 600...

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

November 28, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo xiray shirweynaha seddaxaad ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

November 27, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo xiray shirweynaha seddaxaad ee...

Wasiirka Qoyska XFS oo daah-furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo daah-furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka

November 27, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In