Friday, February 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 months ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa ku heshiiyay in baasaboorada diblumaasiga ee labada dal laga dhaafo shuruudda dal-ku-galka, kaddib heshiis is-afgarad ah oo lagu kala saxiixday magaalada Kampala ee Uganda.

Heshiiskaan waxaa si rasmi ah u kala saxiixday Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad), iyo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Azerbaijan, Mudane Samir Sharifov, iyagoo ka qeybgalaya shir caalami ah oo ka socday Kampala.

Related posts

February 6, 2026
Gobolka Banaadir oo qorsheynaya in la hagaajiyo goobaha biyo fariisiga ah ee Muqdisho

Gobolka Banaadir oo qorsheynaya in la hagaajiyo goobaha biyo fariisiga ah ee Muqdisho

February 6, 2026

Munaasabadda saxiixa waxaa goob joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Aadan Xaadoow, iyo Danjiraha Soomaaliya ee Uganda, Marwo Fardowsa Maxamed Qanyare.

Labada Wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Azerbaijan, xiriir sii xoogeysanayay sanadihii u dambeeyay. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta soo celinta iyo xoojinta sumcadda caalamiga ah ee dalka.

Previous Post

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u diray xubnaha Soomaaliya lu matalaya Baarlamaanka Bariga Afrika

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u diray xubnaha Soomaaliya lu matalaya Baarlamaanka Bariga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u diray xubnaha Soomaaliya lu matalaya Baarlamaanka Bariga Afrika

February 6, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa saakay hoggaamiyay olole ballaaran oo nadaafadeed oo...

Gobolka Banaadir oo qorsheynaya in la hagaajiyo goobaha biyo fariisiga ah ee Muqdisho

Gobolka Banaadir oo qorsheynaya in la hagaajiyo goobaha biyo fariisiga ah ee Muqdisho

February 6, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo kormeeray qeybo kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho...

Madaxa Hey’adda SODMA”ummadda Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in ay u gurmadaan dadka la ildaran abaaraha”

Madaxa Hey’adda SODMA”ummadda Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in ay u gurmadaan dadka la ildaran abaaraha”

February 6, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle oo ka hadlay barnaamijka todobaadka ee warbaahinta qaranka ayaa faahfaahin guud ka bixiyay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

NISA oo howlgal ku dishay horjooge Axmed Dhuxul oo ka tirsan Khawaarijta

February 5, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa ku guuleystay in ay shacabka Soomaaliyeed shartiisa dhaafiyaan Horjooge Axmed Dhubad Xidig...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In