Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, DDib-u-Dhiska iyo Guriyeynta XFS, Mudane Xildhibaan Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Midowga Yurub (EU) ee Soomaaliya, Danjire Franscisca Di Mauro.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin dib-u-dhiska kaabayaasha dalka, soo celinta xasilloonida, horumarinta dhismaha Wasaaradda Hawlaha Guud, iyo xoojinta iskaashiga guud ee labada dhinac.
Labada mas’uul waxay isla garteen in qorshayaasha Midowga Yurub ee dhanka horumarka lagu waafajiyo hawlaha istiraatiijiyadeed ee Wasaaradda Hawlaha Guud, waxaana lagu ballamay in kulamo farsamo oo dheeri ah ay xigi doonaan kulankan, si loo xaqiijiyo hirgelinta qorshayaasha muhiimka ah ee sannadka soo socda.










