RADIO MUQDISHO:-
BAAQ NABADEED
Marka hore, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska iyo ehellada dadkii ku dhintay bannaanbaxii ka dhacay magaalada Boorama. Ilaahay ha u naxariisto dhammaantood, Jannada Fardowsana ha ka waraabiyo.
Sidoo kale, waxaan dadka ku dhaawacmay mashaqadaas murugada leh Ilaahay uga baryayaa caafimaad degdeg ah. Waxaa hubaal ah in dhacdadaasi ahayd mid laga baaqsan karay, isla markaana aan waafaqsanayn dhaqanka nabadeed ee gobolkaasi caan ku ahaa.
Nabadda lagu majeerto deegaannada Somaliland waxay ka soo unkantay gobolka Awdal. Nabadda, horumarka, iyo aqoonta ay ku suntan yihiin guud ahaan deegaannada Somaliland, gaar ahaan gobolka Awdal, ayaa suurtagelisay in kumannaan Soomaali ah oo dalka iyo dibaddaba ka yimid ay aqoon u soo kororsadaan.
Maamulka Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan isu soo dhowaanshaha dadka, tabashooyinkana lagu xalliyo wadahadal iyo isu-tanaasul. Waxaa muhiim ah in khaladaadkii dhacay laga bixiyo garnaqsi cad si loo ilaaliyo xasilloonida.
Sidoo kale, waxaan ugu baaqayaa odayaasha dhaqanka, culimada, waxgaradka, aqoonyahanka, ganacsatada, dhallinyarada, iyo haweenka inay u midoobaan sidii ay u ilaalin lahaayeen nabaddooda, una xoojin lahaayeen wada noolaanshaha.
Saalax Axmed Jaamac (Saleh Jame)
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.











