Monday, December 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Raiisul Wasaare Xamsa oo qaabilay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 hours ago
in Wararka
0
Raiisul Wasaare Xamsa oo qaabilay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane Wang Yu.

Ra’iisul Wasaaraha oo sii wada hawlaha isku duwista ka jawaabista xaaladaha bini’aadanimo ee dalka ka taagan, jadwalkiisa qaabilista danjirayaasha adduunkana uu xiriirsanyahay, ayaa safiirka Shiinaha uga warbixiyay xaaladda dalka ee dhanka Amniga sida weyn wax looga qabtay, mashaariicda horumarineed ee dalka ka socota, iyo ugu dambayn arrimaha abaaraha.

Related posts

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS  Saalax: “Bulshada Rayidka ah waa lafdhabarta Dowlad-dhiska Dalka.”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Saalax: “Bulshada Rayidka ah waa lafdhabarta Dowlad-dhiska Dalka.”

December 8, 2025
Wasiiro dhiirigelin ugu tegay bulshada Degmada Kaaraan

Wasiiro dhiirigelin ugu tegay bulshada Degmada Kaaraan

December 8, 2025

Mudane Xamsa ayaa safiirka uga mahadceliyay kaalinta isgarab-taagga ah ee dowladda Shiinaha had iyo goor ay la barbar taagantahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo xusey mashaariicda iyo arrimaha gargaarka ee Shiinaha ka fuliyay dalka, gaar ahaan gargaarkii la geeyay gobolka Awdal.

Danjiraha Shiinaha Mudane Wang Yu ayaa dhankiisa sheegay in uu ku faraxsanyahay kalsoonida dowladda Soomaaliya u muujisay Shiinaha, isaga oo ku celiyay sida ay u adkaynayaan xiriirka dhinacyada badan ee ka dhaxeeya Shiinaha iyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay tahay in dunida ay indho cusub ku eegto Soomaaliya maadaama ay nabad, xasilooni iyo kala dambeyn ka hirgashay inta badan gayiga Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda, dalkuna uu diyaar u yahay maalgashi toos ah oo caalami ah.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha uu la qaatay safiirka ayaa waxaa ku wehliyay guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

 

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Saalax: “Bulshada Rayidka ah waa lafdhabarta Dowlad-dhiska Dalka.”

Raiisul Wasaare Xamsa oo qaabilay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Raiisul Wasaare Xamsa oo qaabilay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

December 8, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS  Saalax: “Bulshada Rayidka ah waa lafdhabarta Dowlad-dhiska Dalka.”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Saalax: “Bulshada Rayidka ah waa lafdhabarta Dowlad-dhiska Dalka.”

December 8, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta daahfuray Shirweynaha Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, oo looga hadlayo...

Wasiiro dhiirigelin ugu tegay bulshada Degmada Kaaraan

Wasiiro dhiirigelin ugu tegay bulshada Degmada Kaaraan

December 8, 2025
0

Mas'uuliyiin heer Wasiirro ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS ayaa kormeer ku togay xarunta degmada Kaaraan oo ay...

𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐭𝐚𝐲 𝐇𝐚𝐥 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐨𝐥𝐥𝐚𝐫 𝐨𝐨 𝐚𝐲 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐝𝐞𝐞𝐪𝐝𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐭𝐚𝐲 𝐇𝐚𝐥 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐨𝐥𝐥𝐚𝐫 𝐨𝐨 𝐚𝐲 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐝𝐞𝐞𝐪𝐝𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

December 8, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay deeq lacageed oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In