Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
2 months ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kaarka codbixinta doorashada Dowladaha Hoose ka qaatay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Xildhibaan Cismaan Xaadoole, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiyaha Degmada Kaaraan, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha dowladda.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

Duqa Magaalada ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay doorashadu u leedahay xoojinta hannaanka dimuqraadiyadeed iyo xaqiijinta ka-qaybgalka shacabka, isagoo ugu baaqay muwaadiniinta inay si buuxda uga qaybqaataan geeddi-socodka doorashada, ayna si xor ah u dhiibtaan codkooda. Waxa uu sidoo kale ammaanay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, hoggaamintiisa ku aaddan hirgelinta doorashooyin ku dhisan ka-qaybgal ballaaran, kuwaas oo ka duwan nidaamyo hore oo xaddidayay codka shacabka.

Dhanka kale, Duqa Muqdisho Mudane Dr. Muungaab ayaa tilmaamay in xaaladda amni ee caasimadda ay tahay mid deggan, isla markaana hay’adaha ammaanku ay si buuxda u gudanayaan waajibaadkooda. Waxa uu xusay in horumar la taaban karo laga sameeyey sugidda amniga guud, isagoo carrabka ku adkeeyay in ay jiraan danley ku faraxsan in magaaladan ay dib ugu laabato marxaladihi cakirnaa ee ay soo martay, sida; dilalkii, qaraxyadi iyo qalalaasihii lagu hoobtay.

Ugu dambayn, Duqa Magaalada ayaa ugu baaqay bulshada caasimadda in ay kaalin mug leh ka qaataan ilaalinta nabadda iyo xasilloonida, isla markaana ay iska kaashadaan horumarinta nidaamka doorashooyinka iyo dowlad-wanaagga.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Next Post

Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyay Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah Dowladda Sweden

Next Post
Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyay Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah Dowladda Sweden

Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyay Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah Dowladda Sweden

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In