Saturday, December 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
3 hours ago
in Wararka
0
Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Sabti, 20ka December,2025

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho kooban ku tegay magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed Ali.

Related posts

Madaxweynaha JFS Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

December 20, 2025

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga iyo Ganacsiga Dibadda ee dalka Sweden Mudane Benjamin Dousa.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga tacsiyeeyey qoyska, bulshada Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Madaxweynihii hore ee Puntland, Marxuum Jaamac Cali Jaamac.

4-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre aya soo xiray Shirka 35-aad ee Wasiirrada Gaashaandhigga Bariga Afrika.

5- Ra’iisul Wasaare Hamsa Cabdi Barre ayaa magacaabey Jamaal Maxamed Xasan iyo Ayuub Ismaaciil Yuusuf inay noqdaan Wasiirka Ganacsiga iyo Wasiirka Hawlaha Guud.

6-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay munaasabadda xuska 65-guurada xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, oo lagu qabtay Muqdisho.

7-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad xarigga looga jarayey Masraxa Prof. Shariif Saalax Maxamed Calimee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

8-Golaha Wasiirrada Soomaaliya waxeey ka doodeen Wax-ka-beddelka Sharciga Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Xeer-nidaamiyaha Buugga Badmaaxa Soomaaliyeed, Siyaasadda iyo Xeerka Sanduuqa Qaranka ee Horumarinta Waxbarashada (NEDF) iyo Hindise-Sharciyeedyadda Difaaca Qaranka, Xuquuqda Carruurta iyo Arrimaha qoyska.

9-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xilka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Wasiirkii hore.

10- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaatay Kaarka Cod-bxinta ee ee doorashada, xilli la filayo in dhowaan la qabto doorashada goleyaasha degaanka ee gobolka Banaandir.

11- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa kulan la yeeshay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Mudane Charles Nicholas King.

12- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa furay aqoon-isweydaarsi heer qaran ah oo diiradda lagu saaray ku biirista Soomaaliya ee Habraacyada Dheeraadka ah ee Axdiyada Geneva.

13- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Yemen u fadhiya Soomaaliya, Mudane Fadl Ali Ahmed Al-Hanak.

14- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa qaabilay Madaxa Hay’adda Caalamiga ee Laanqeytra Cas (ICRC) u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Antoine Grand.

15- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa qaabilay Safiirka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya, Mudane Suleiman Dedefo Woshe.

16- Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa Saxiixey Heshiiska Hagaha Hirgelinta Qorshaha 2025 ee lagu xoojinayo ilaalinta carruurta ay saameeyeen colaadaha hubaysan.

17- Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Xasan Cumar Maxamed, oo Muqdisho u yimid ka qeybgalka Kalfadhiga 35-aad ee Wasiirrada Gaashaandhigga ee dalalka ku bahoobay Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF).

18- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mudane James Swan.

19- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah iyo Ganacsiga Dibadda ee Dowladda Sweden Mr. Benjamin Dousa .

20-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Prof. Salim Cali Ibrow, Ayaa qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Kozuva Group of Companies, oo ay ka mid tahay shirkadda FAVORI oo maamusha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

21- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa heshiis la saxiixday Shirkadda OYAK ee dalka Turkiga, kuna dhaqan-gelinta Heshiiska Iskaashiga iyo Horumarinta Wax-soosaarka Badda.

22- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Xasan Cumar Maxamed.

23- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa furay Kalfadhiga 35aad ee Caadiga ah ee Guddiga Taliyeyaasha Difaaca iyo Ammaanka ee Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF).

24- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Rwanda, Mudane Marizamunda Juvenal.

25-Wasiir Ku-Xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamuud Axmed Cabdullahi (Abukaate), ayaa ka qayb-galay shirkii labaad ee Madasha Ganacsiga ee Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA) oo ka dhacay Marrakech, Morocco.

26- Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Serbia, ayaa booqasho ku tagay xarunta weyn ee shirkadda VISARIS, oo ka mid ah shirkadaha ugu horreeya dunida ee soo saara qalabka casriga ah ee raajada (X-ray).

27- Wasiir Ku-Xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Marwo Aamina Xuseen Cali, ayaa ka qeyb-gashay Shir ka dhacay magaalada Beydhabo, oo ku saabsanaa Kordhinta Mashaariicda Dhismaha Waddooyinka loo yaqaan “Cobblestone”.

28-Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay shirka wadatashiga labaad ee dib-u-eegista habraacyada qaran ee nidaamyada cuntada Soomaaliya.

29- Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa magaalada Muqdisho tababar uga furay ku dhowaad 90 saxafi oo Soomaaliyeed, kaas oo diiradda lagu saaray Habdhaqanka Warbaahinta ee xiliga Doorashada.

30-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa shir-guddoomiyay Kalfadhiga 35-aad ee Caadiga ah ee Guddiga Taliyeyaasha Difaaca iyo Ammaanka ee Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF), oo ka socda magaalada Muqdisho.

31- Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa Muqdisho ku soo dhoweeyay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Jamhuuriyadda Rwanda, Major General Vincent Nyakarundi.

32- Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay Warbixin Sanadeedka Waxqabadka ee Sannadka 2025, iyadoo hal-ku-dheggu yahay Xakamaynta Xuduudaheenna – Ilaalinta Dadkeenna.

33- Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta iyo horumarinta nidaamka xeer-dajinta dowladda, si loo horumariyo sharciyada hay’adaha dowliga ah.

34-Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamsa Aadan Xaadow, ayaa qaabilay, Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan u qaabilsan u fadhiya Soomaaliya, Mudane Abdulrahman Khalil Ahmed Abakr Afandi.

35- Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Faysal Aadan Xasan ayaa ka qayb-galay Shirka 11aad ee Dowladaha Xubnaha ka ah Heshiiska Qaramada Midoobay ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa (COSP 11).

36- Hay’adda NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa hawlgallo qorsheysan ka fuliyay degaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay illaa sagaal dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabab.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

Next Post

Madaxweynaha JFS Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Next Post
Madaxweynaha JFS Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xarunta Tababarka Janaraal Kaahiye waxaa haatan ka socda munaasabadda xuska sanad-guuradii 82-aad ee aasaaska Ciidanka Booliska, waxaana goobta ku...

Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Sabti, 20ka December,2025 1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho kooban ku tegay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(QAAHIRA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah soo gaaray Magaalada Qaahira...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(Addis-Ababa):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo hal maalin ku tagay magaalada Addis Ababa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In