Sunday, December 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabista abaarta

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
3 hours ago
in Wararka
0
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabista abaarta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa guddoomiyay shir muhiimaddiisu sarreyso oo lagaga arrinsanayay ka jawaabidda abaaraha dalka ka taagan.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qeybgalay wasaaradaha udub dhexaadka u ah nolosha dadweynaha, sida Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka,Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka iyo Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025
Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

December 20, 2025

Waxaa kulanka lagu soo bandhigay xog uruurintii u dambeysay ee ku aaddanayd saamaynta abaaraha, heerka biyo la’aanta, webiyada gurey, ceelasha qallalay, dadka barokacay, iyo xoolaha ay abaarta saameysay.

Waxaa la’isla meel dhigay habka ugu wanaagsan ee abaarta looga jawaabi karo, iyada oo lagu tashanayo waxa hadda la hayo, iyo waxa la qaban karo, si loo kaashado bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka.

Shirkan ayaa horudhac u ah shir heer wasiir ah oo dhowaanta la qabanayo, iyada oo dedaalada dowladda la isugu geynayo ka jawaabidda abaarta iyo maaraynta dhibaatada ka dhalatay.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabista abaarta

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabista abaarta

December 21, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa guddoomiyay shir muhiimaddiisu sarreyso oo lagaga arrinsanayay...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed munaasabadda 82-guurada...

Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku wargelisay waalidiinta iyo bahda waxbarashada, in ay hakisay...

Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Oo Kulan Wadatashi Ah La Yeeshay Ururro Siyaasadeedka Gobolka Banaadir

Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Oo Kulan Wadatashi Ah La Yeeshay Ururro Siyaasadeedka Gobolka Banaadir

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay ururrada siyaasadda ee u tartamaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In