Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mar kale si buuxda u adkeeyay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo wada jirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda iyo Dhismaha Nabadda Khaled Khiari, oo ka hadlay kulanka Golaha Ammaanka, ayaa carrabka ku adkeeyay in mowqifka Golaha ee Soomaaliya uusan isbeddelin, isla markaana uu ku dhisan yahay sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, kaasoo muujinaya taageerada joogtada ah ee caalamku u hayo midnimada Soomaaliya











