Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay wargelin rasmi ah oo lagu amray dhammaan imaamyada iyo khadiibyada masaajidda dalka, in khudbada Jimcaha ee maalinta berri ah oo ku beegan 02/01/2026, lagu wajaho mowduuc muhiim ah oo ah “Ahmiyadda Midnimada iyo Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed” iyo “Khatarta Faragelinta YH-da”.
Wasaaraddu waxay tilmaantay in mowduucaasi yahay mid muhiimad weyn u leh xilligan la joogo, iyadoo la tixraacayo xaaladaha caalamka ka taagan iyo isku day kasta oo lagu wiiqayo madax-bannaanida iyo wadajirka Soomaaliya.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ku boorisay dhammaan mas’uuliyiinta masaajidda in ay si buuxda u gutaan waajibkooda diiniga ah, ugana faa’iideeyaan khudbada Jimcaha wacyigelin qaran oo ku saabsan ilaalinta midnimada dalka.
Wasaaradda ayaa ugu dambeyntii uga mahadcelisay dhammaan culimada dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan baraarujinta bulshada Soomaaliyeed.











