Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa guddoomiyay shir deg-deg ah oo looga hadlayay amniga Caasimadda.
Shirka oo diiradda lagu saaray qodobo muhiim ah oo la xiriira amniga guud ee magaalada ayaa waxaa ka qayb galay saraakiisha Booliiska ee caasimadda.
Taliyaha ayaa saraakiisha ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda amniga, isaga oo sidoo kale faray awaamiir lagu xoojinayo sugidda amniga guud ee caasimadda.












