Tuesday, July 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
6 months ago
in Wararka
0
Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidamada Xaq-u-dirirka deegaanka ee Macawisleyda ee Gobolka Hiiraan, ayaa fuliyay howlgal ballaaran oo si weyn loogu jabiyay maleeshiyada kooxda Khawaarijta, kaasi oo ka dhacay deegaanno hoostaga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Howlgalka ayaa yimid kaddib markii ciidamadu heleen xog sugan oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyo ay maleeshiyadu ka wadeen deegaannadaas, waxaana la sheegay in khasaare culus lagu gaarsiiyay Khawaarijta, iyadoo laga hortagay qorshayaal ay ku dhibaateynayeen shacabka.

Related posts

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

July 21, 2026

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in howlgalladu ay sii socon doonaan illaa laga ciribtiro maleeshiyada Khawaarijta ah ee ku dhuumaaleysanaysa qeybo kamid ah gobolka, iyagoo xusay in amniga guud ee deegaannada la xaqiijinayo.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya xaq-u-dirirka shacabka, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida Gobolka Hiiraan.

Previous Post

Dowladda Falastiin oo si buuxda u taageertay madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
0

Ciidamada dab-damiska iyo kooxaha gurmadka degdegga ah ee Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay inay damiyaan dab xooggan oo maanta ka...

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

July 21, 2026
0

Masuuliyiin ka socday wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho uga qaybgalay tababar ku saabsan dhisidda adkeysiga dhaqaale...

Dab xooggan oo saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha

Dab xooggan oo saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
0

Dab xooggan ayaa saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo ololka uu saameeyay goobo ganacsi oo ku...

Soomaaliya oo u diyaar-garoobaysa booqashada Madaxweynaha FIFA ee Muqdisho

Soomaaliya oo u diyaar-garoobaysa booqashada Madaxweynaha FIFA ee Muqdisho

July 21, 2026
0

Wada-shaqeynta dhow ee u dhexeysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaamiyo Wasiir Maxamed Cabduqaadir Cali,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In