RADIO MUQDISHO:-Bannaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Haweenka Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, kaas oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka Yahuudda Israa’iil ay kula kacday midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Haweenka soo abaabulay bannaanbaxa, oo ay wehliyaan qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa muujiyay mowqif mideysan oo ka dhan ah tallaabo kasta oo wax u dhimaysa qarannimada, midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida dalka, iyagoo ku dhawaaqayay hal-ku-dhigyo muujinaya diidmada faragelinta shisheeye.
Ka qeyb-galayaasha bannaanbaxa ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ugu baaqay in ay si cad uga hortagaan faragelin kasta oo ka dhan ah midnimada dalka, isla markaana ay ilaaliyaan madax-bannaanida Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Haweenka Soomaaliyeed ayaa adkeeyay in ay door muuqda ka qaadanayaan difaaca dalka, ayna mar walba garab taagan yihiin midnimada iyo qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.












