Boqolaal shacab ah ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, iyagoo muujinayay dareenkooda ka dhanka ah faragelinta YH-da Israa’11l ee inay ku aaddan madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Dibadbaxayaasha oo sitay boorar iyo caleemo geed, ayaa si cod dheer ugu dalbaday in la ixtiraamo madax-bannaanida dalka, iyagoo si kulul u cambaareeyay aqoonsi beenaadka ay Somaliland ee YH-da.
Qaar ka mid ah dadkii halkaas ka hadlay ayaa sheegay in aan la aqbali doonin wax kasta oo lagu wiiqayo qaranimada Soomaaliya, ayna diyaar u yihiin in ay meel uga soo wada jeestaan ciddii isku dayda in ay kala qeybiso dalka.
Dibadbaxan ayaa qeyb ka ah mowjad dareen qaranimo ah oo maalmahan ka socota gudaha dalka iyo dibaddiisa.


















