Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Maxamed Ibraahim Nuur, ayaa soo jeediyay in boqolkiiba 50 (50%) ka mid ah lacagaha loogu talagalay horumarinta loo qoondeeyo dadka barakacayaasha ah ee ay saameeyeen abaaraha ka jira guud ahaan dalka.
Wasiirku wuxuu sidoo kale xusay in deegaannada Koonfur Galbeed ay si gaar ah u saameeyeen abaaraha, isla markaana ay soo gaareen barakacayaal fara badan oo ka yimid deeganadoodii, taas oo sii kordhisay baahiyaha bulshada deegaanka.











