Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya ahna Xiriiriyaha Arrimaha Beni’aadannimada ayaa si wada jir ah u shir guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen madaxda hay’adda SoDMA iyo OCHA.
Kulanka oo ka dhacay xarunta hay’adda SoDMA ayaa looga hadlay xaaladda abaaraha, dhamaystirka iyo daahfurka baahiyaha beni’aadanimo iyo qorshaha ka jawaabcelinta ee dalka ee sannadka 2026.
Waxaa sidoo kulanka lagu falanqeeyay hoos u dhaca ku yimaaday gargaarka beni’aadanimo ee caalamiga ah iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in dadka Soomaaliyeed iyo dowladdooda ay iska kaashadaan maaraynta xaaladda beni’aadannimo ee dalka ka taagan.











