RADIO MUQDISHO:-Safaaradda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa hambalyo diirran u dirtay hoggaanka iyo shacabka Soomaaliyeed kaddib caleemo-saarkii guuleystay ee Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, kaas oo ka dhacay magaalada Laascaanood.
Farriin hambalyo ah oo ay soo saartay Safaaradda Shiinaha ayaa lagu muujiyay rajada iyo hambalyada ay u direyso Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xamsa Cabdi Barre, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, munaasabadda caleemo-saarkaas guuleystay awgeed.
Safaaraddu waxay sheegtay inay si gaar ah ugu hambalyaysay la caleema saaray ee Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, oo si rasmi ah uga dhacday magaalada Laascaanood.










