Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale muujiyey kaalintooda beniβaadamnimo, kadib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen shacab ay haysteen oon iyo haraad baβan. Shacabkan ayaa ku sugan degaano hoos taga magaalada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ciidanku ku taageerayo bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool deegaanada ay saameeyeen abaarta iyo biyo laβaanta.



















































