Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Cali (Xoosh) oo safar shaqo ku jooga Pakistan ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan mudane Mohsin Naqvi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada Wasaaradood, iyadoo laga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin; wada-shaqeynta dhanka amniga, dowlad-dhiska, dhismaha iyo tayeynta awoodaha hay’adaha iyo is-dhaafsiga khibradaha la xiriira arrimaha gudaha iyo bedqabka shucuubta.
Labada dhinac ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay horumarinta iskaashi laba geesood ah ee ku aaddan meelaha ay dan wadaagta ka yihiin.
























