Saturday, July 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda qalin-jabinta saraakiisha isku dhafka ah ee wax ka baranayay kulliyadaha milateriga ee Dowladda Qatar, oo ay ku jiraan saraakiil Soomaaliyeed.

Munaasabadda, oo ka dhacday Kulliyadda Milateriga Axmed bin Maxamed, waxaa soo xiray Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Tamiim bin Xamad Aal Thaani, isaga oo billado guddoonsiiyay saraakiishii ku guuleysatay kaalmaha hore.

Related posts

Ciidanka Kumaandooska Danab oo hawlgal burburin ah ka sameeyay Jubbada Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Danab oo hawlgal burburin ah ka sameeyay Jubbada Dhexe

July 18, 2026
Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo gaaray magaalada Baydhaba

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo gaaray magaalada Baydhaba

July 18, 2026

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa bogaadiyey doorka Dowladda Qatar ee ku aaddan horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in xirfadaha iyo aqoonta ay heleen saraakiishan qalin-jabisay ay si weyn kor ugu qaadi doonaan awoodda iyo kartida Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda waxaa wasiirka ku wehliyay taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka, Sareeye Gaas, Odowaa Yuusuf Raage.

Previous Post

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Next Post

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

Next Post
Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

Ciidanka Kumaandooska Danab oo hawlgal burburin ah ka sameeyay Jubbada Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Danab oo hawlgal burburin ah ka sameeyay Jubbada Dhexe

July 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidamada Jubbaland, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan...

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo gaaray magaalada Baydhaba

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo gaaray magaalada Baydhaba

July 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Cabdulqaadir Cilmi...

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

July 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO(NEW YORK):-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku aaddan hirgelinta ajendayaasha horumarineed ee Afrika iyo caalamka, iyadoo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

July 17, 2026
0

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA WASIIRKII GAASHAANDHIGGA DALKA JABUUTI   Muqdisho, Luuliyo, 17, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In