RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda qalin-jabinta aqoonyahanada dhammaystay waxbarashada heerarka sare ee Master iyo PhD, ee Jaamacadda University for Peace (UPEACE).
Ra’iisul Wasaaraha oo ugu hambalyeeyey aqoonyahanada qalin-jabiyay dadaalkii dheeraa ee ay u soo galeen, si ay u gaaraan heerkan sare ee aqooneed, ayaa xusay in culuumta ay barteen ay tahay mid muhiim u ah dhismaha dowladnimada, nabadda, iyo horumar waara oo dalkeenna gaaro.
“Maanta waa maalin weyn oo muujinaysa horumarka tacliinta sare ee dalka, in aan aragno arday Soomaaliyeed oo dalkooda gudihiisa ku qaadanaya shahaadooyinka sare ee PhD iyo Master, waa guul u soo hoyatay Qaranka. Aqoonyahannada maanta qalin-jabiyey waa kuwii hoggaamin lahaa isbeddelka iyo hal-abuurka uu u baahayahay dalkeenna .” Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku bogaadiyey hoggaanka Jaamacadda University for Peace (UPEACE) doorka ay ka qaadanayaan kor u qaadista tayada waxbarashada sare ee Soomaaliya, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta aqoonta, si looga gudbo caqabadaha hortaagan xasilloonida iyo horumarka bulshada.
“Xukuumad ahaan waxbarashada waxaan u aragnaa horumarka nolosha, sidaas darteed Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP2025 – 2029) waxaa tiir dhexaad u ah horumarinta karaanka aadanaha, waxaan aaminsanahay in bulshada wax la baro, Jaamacadaha dalka waxa ay qeyb weyn ka yihiin horumarka dalka”.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa kula dardaarmay aqoonyahannada qalin-jabiyey in ay cilmigooda ugu adeegaan dadka iyo dalka, isaga oo carrabka ku adkeeyey in looga fadhiyo in ay qayb ka noqdaan qorshayaasha lagu xasilinayo dalka iyo dib-u-dhiska nidaamka dowladnmada.











