Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.
Bannaan baxan oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka degmada oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyn aad u fara badan, kuwaas oo ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah Isra’iil oo ku soo xadgudubtay dalkeenna.
Shacabkii Bannaanbaxa ka soo qeyb galay ayaa dhammaan qiray in aysan marna ogolaaneyn in lagu soo xadgudbo taako ka mid ah dhulkeenna, isla markaana geeri ka xigaan, waxayna digniin adag u direen maamulka Isra’iil ee aqoonsi beenaadka ku siray maamulka Somaliland oo qeyb ka ah Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Maalmihii u dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho si isdaba joog ah uga dhacayay bannaan baxyo looga soo horjeedo aqoonsi beenaadka Isra’iil ay siisay Soomaaliland, kaas oo dal iyo dibad laga cambaareeyay.










