Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka qayb-galay munaasabadda daah-furka Qorshaha Ka-jawaabista Baahiyaha Beni’aadaannimo ee 2026 (HNRP), kaas oo ah laf-dhabarta isku-duwidda gurmadka naf-badbaadinta iyo gaarsiinta gargaarka degdegga ah ee dalka.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ayaa xusay in qorshaha HNRP uu yahay aaladda ugu muhiimsan ee lagu kala horumariyo baahiyaha beni’aadannimo, lagu badbaadiyo nolosha, laguna gaarsiiyo gargaar ku saleysan mabaadi’da beni’aadannimo dadka ugu nugul. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in qorshuhu u baahan yahay is-waafajin buuxda oo lala yeesho nidaamyada badbaadada bulshada, yareynta khataraha masiibooyinka iyo xoojinta adkeysiga isbeddelka cimilada.
Sidoo kale, Guddoomiyaha SoDMA ayaa adkeeyay in Hay’addu ay si buuxda uga go’an tahay la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo leexinta gargaarka, isaga oo tilmaamay in hufnaan, isla-xisaabtan iyo gaarsiin gargaar oo cadaalad ah ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee howlaha gurmadka.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hormuud u tahay jihaynta iyo isku-duwidda howlaha beni’aadannimo, halka saaxiibada caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ay door lama-huraan ah ka qaadanayaan naqshadeynta, maalgelinta iyo hirgelinta gargaarka lagu badbaadinayo nolosha shacabka Soomaaliyeed.











