Monday, July 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay daah-furka qorshaha ka-jawaabista baahiyaha Beni’aadaannimo ee 2026

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay daah-furka qorshaha ka-jawaabista baahiyaha Beni’aadaannimo ee 2026
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka qayb-galay munaasabadda daah-furka Qorshaha Ka-jawaabista Baahiyaha Beni’aadaannimo ee 2026 (HNRP), kaas oo ah laf-dhabarta isku-duwidda gurmadka naf-badbaadinta iyo gaarsiinta gargaarka degdegga ah ee dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ayaa xusay in qorshaha HNRP uu yahay aaladda ugu muhiimsan ee lagu kala horumariyo baahiyaha beni’aadannimo, lagu badbaadiyo nolosha, laguna gaarsiiyo gargaar ku saleysan mabaadi’da beni’aadannimo dadka ugu nugul. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in qorshuhu u baahan yahay is-waafajin buuxda oo lala yeesho nidaamyada badbaadada bulshada, yareynta khataraha masiibooyinka iyo xoojinta adkeysiga isbeddelka cimilada.

Related posts

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

July 26, 2026
Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

July 26, 2026

Sidoo kale, Guddoomiyaha SoDMA ayaa adkeeyay in Hay’addu ay si buuxda uga go’an tahay la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo leexinta gargaarka, isaga oo tilmaamay in hufnaan, isla-xisaabtan iyo gaarsiin gargaar oo cadaalad ah ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee howlaha gurmadka.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hormuud u tahay jihaynta iyo isku-duwidda howlaha beni’aadannimo, halka saaxiibada caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ay door lama-huraan ah ka qaadanayaan naqshadeynta, maalgelinta iyo hirgelinta gargaarka lagu badbaadinayo nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

Xildhibaannada BFS ansixiyey Hindise-Sharciyeed Amniga Saybarka Soomaaliya

Next Post

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qaabilay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka

Next Post
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qaabilay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qaabilay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

July 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay shir wadatashi qaran oo ku saabsan...

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

July 26, 2026
0

Maamulka Dekedda Muqdisho, oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko) oo ay weheliyaan Maareeye Ku-xigeennada Dr. Cali...

Soomaaliya oo  Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

July 26, 2026
0

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wafdi uu hoggaaminayo musharrax hoggaamiye Liibaan Axmed oo lagu soo dhaweeyay degmada Ceeldheer

Wafdi uu hoggaaminayo musharrax hoggaamiye Liibaan Axmed oo lagu soo dhaweeyay degmada Ceeldheer

July 26, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In