Hayโadda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), oo kaashaneysa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Carruurta, ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 275 muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo badbaadiyay tahriib sharci-darro ah iyo dhibaatooyin baniโaadannimo oo ay kala kulmeen dalka Liibiya.
Muwaadiniintan ayaa isugu jira rag, haween iyo carruur, kuwaas oo ku jiray xaalado halis ah.
Soo celinta muwaadiniintan waxaa si weyn u taageeray Midowga Yurub (EU) iyo Hayโadda Caalamiga ah ee Socdaalka Aduunka (IOM Somalia), kuwaas oo kaalin muhiim ah ka qaatay fududeynta safarka.
Muwaadiniintan ayaa la kulmay tacaddiyo, xarig sharci-darro ah iyo nolol aad u adag intii ay ku sugnaayeen Liibiya.
Markii ay dalka soo gaareen, waxaa si diirran loogu soo dhaweeyay xarunta NCRI, halkaas oo lagu siiyay adeegyo dhameystiran oo ay ka mid yihiin.
Daryeel caafimaad, Hoy ku-meel-gaar ah,Taageero nafsiyeed,Cunto iyo Wacyigelin ku saabsan khataraha tahriibka.
Sidoo kale, muwaadiniintan waxaa dib loogu celiyay deegaannadoodii si ay ula midoobaan qoysaskooda, taas oo qeyb ka ah dadaal ballaaran oo lagu yareynayo tahriibka laguna ilaalinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed.











