Monday, July 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Caddaaladda oo war ka soo saartay hannaanka dib u eegista Dastuurka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 months ago
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeysaa hadallo dhawaan ay jeediyeen qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka tirsan Guddiga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka (OC), kuwaas oo la xiriira hannaanka la-tashiga dadweynaha ee wax-ka-beddelka Cutubyada Shanaad ilaa Sagaalaad ee Dastuurka Ku-meel-gaarka ah.

Wasaaraddu waxay caddeyneysaa in dib-u-eegista dastuurka ay si wadajir ah u fuliyeen Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (ICRIC), iyo Guddiga La-socodka ee Baarlamaanka (OC), iyagoo kaashanaya Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka. Hay’adahan ayaa fuliyay la-tashiyo dadweyne oo baahsan oo lagu qabday dawlad-goboleedyada oo dhan marka laga reebo Puntland si loo xaqiijiyo ka-qeybgal iyo daah-furnaan buuxda.

Related posts

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

July 26, 2026
Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

July 26, 2026

Hay’adaha dastuuriga ah oo ay dawlad-goboleedyadu wakiillo ku leeyihiin, waxay si isdaba joog ah u direen codsiyo rasmi ah oo ku socday maamulka Puntland si uu uga qeybqaato la-tashiyada dadweyne ee deegaannada Puntland. Si kastaba ha ahaatee, Puntland kama aysan qeybgelin hanaankaas sababo la xiriira arrimo siyaasadeed, halka Jubbaland ay ka qeybgashay.

Iyadoo ay taasi jirto, hay’adaha dastuuriga ah waxay xaqiijiyeen in aan la xirin fursadaha ka-qeybgalka, iyagoo sameeyay madallo dhijitaal ah oo u sahlaya muwaadiniinta dhammaan gobollada dalka inay ka dhiibtaan aragtidooda. Sidoo kale, wakiillo ka socda bulshada rayidka ah ee Puntland ayaa lagu casuumay kulamada la-tashiga isla markaana ka qeybqaatay.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurku waxay mar kale adkaynaysaa in dhammaan tallaabooyinkii macquulka ahaa la qaaday si loo hubiyo in la-tashiyada dadweynaha ay u noqdaan kuwo loo dhan yahay, hufan, isla markaana waafaqsan mabaadi’da dastuuriga ah.

Previous Post

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS oo soo dhaweeyey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Turkiga

Next Post

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

Next Post
𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

July 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay shir wadatashi qaran oo ku saabsan...

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

July 26, 2026
0

Maamulka Dekedda Muqdisho, oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko) oo ay weheliyaan Maareeye Ku-xigeennada Dr. Cali...

Soomaaliya oo  Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

July 26, 2026
0

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wafdi uu hoggaaminayo musharrax hoggaamiye Liibaan Axmed oo lagu soo dhaweeyay degmada Ceeldheer

Wafdi uu hoggaaminayo musharrax hoggaamiye Liibaan Axmed oo lagu soo dhaweeyay degmada Ceeldheer

July 26, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In