Monday, July 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

๐€๐ช๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐š๐ฐ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ ๐š๐›๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 months ago
in Wararka
0
๐€๐ช๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐š๐ฐ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ ๐š๐›๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Hayโ€™adda Daawada, ayaa goob-joog ka ahaa ansixinta Sharciga Daawada iyo Agabka Caafimaadka Soomaaliyeed oo maanta ka dhacday Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Fadhiga Golaha oo uu Shir-guddoominayay Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka Sare, Senator Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde), kaas oo si rasmi ah u furay kalfadhiga ayadoona uu kooramka ku xadir ahayeen 28 Xubnood, intaa kadib, Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Aqalka Sare, Sen. Prof. Dr. Osman Dufle, ayaa Golaha ka jeediyay Akhrinta Saddexaad ee hindise-sharciyeedka, si ay Senatoradu ugu codeeyaan ansixintiisa, ayadoona uu sharcigani waxa uu laf-dhabar u yahay horumarinta iyo tayeynta nidaamka caafimaadka Dalkeena.

Related posts

Shirka u-diyaargarowga Super El Niรฑo iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka u-diyaargarowga Super El Niรฑo iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

July 26, 2026
Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

July 26, 2026

Kadib, Guddoomiye Ku-Xigeenka oo Shir-guddoominayay ayaa codsaday in cod loo qaado sharciga, waxaana ogolaaday 27 Senator, halka hal Senator uu ka gaabsaday, intaa kadib ayuu ku dhawaaqay natijada rasmi ah isagoo sheegay in Aqalka Sare ay cod aqlabiyad ah ku ansxiyeen Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hayโ€™adda Daawada iyo Agabka Caafimaadka Soomaaliyeed.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maryan Maxamed Xuseen, oo Golaha ka jeedisay hadal qiima leh iyaddo marka hore mahadcelisay Golaha Aqalkan Sare, dhanka kalana sheegatay in maanta ay thay maalin taariikhi ah oo u soo hoyatay bahda Caafimaadka Soomaaliya, sidookalena carrabka ku adkaysay in sharcigani door weyn ka qaadan doono maamulida, hubinta tayada iyo helitaanka daawo waxtar u leh bulshada.

Sidookale, Dr. Maryama ayaa cadaysay in Sharcinagan uu si wax ku ool ah uga hortagi doono daawooyinka been-abuurka ah iyo kuwa tayadoodu liidato, iyadoo la gilin doono hanaanka caalamiga ah ee xakameynta dawooyinka khatart ku ah caafimaadka bulshada.

Ugu danbeyntii Wasiiru-dowlaha ayaa si gaar ah ugu mahadcelisay Guddoonka iyo Senatorada ee ansixiyay sharcigan muhiimka ah, iyada oo ku nuuxnuuxsatay in Wasaaradda Caafimaadku ay ka goโ€™an tahay hirgelinta sharcigan si loo xaqiijiyo danaha caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed.

Previous Post

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ข๐›๐š๐๐๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ญ๐š๐ฒ ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐š๐ญ๐š๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐

Next Post

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Next Post
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Shirka u-diyaargarowga Super El Niรฑo iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka u-diyaargarowga Super El Niรฑo iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

July 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay shir wadatashi qaran oo ku saabsan...

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

July 26, 2026
0

Maamulka Dekedda Muqdisho, oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko) oo ay weheliyaan Maareeye Ku-xigeennada Dr. Cali...

Soomaaliya oo  Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

July 26, 2026
0

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wafdi uu hoggaaminayo musharrax hoggaamiye Liibaan Axmed oo lagu soo dhaweeyay degmada Ceeldheer

Wafdi uu hoggaaminayo musharrax hoggaamiye Liibaan Axmed oo lagu soo dhaweeyay degmada Ceeldheer

July 26, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In