Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu xoojinayo iskaashiga iyo la-dagaalanka tahriibka kaas oo ka dhacay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.
Wafdiga Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa Agaasimaha Guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafe Dhuxulow,Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan Cabdullaahi (Kanif).
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Yuusuf Cali iyo Taliyihii Hore ee Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) G/Sare Muxudiin Axmed.
Shirkan oo si wadajir ah ay u soo qabanqaabiyeen Dowladaha Talyaaniga iyo Masar, ayaa diiradda lagu saaray dadaallada caalamiga ah ee looga hortagayo tahriibka, iyo ka ganacsiga dadka, burburinta shabakadaha dembiyeed ee abaabulan, iyo kor u qaadidda wada-shaqeynta dalalka ay saameynta ku yeelato tahriibinta.









