RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu ugu soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.
Soo dhaweynta madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ahayd mid rasmi ah oo ka tarjumeysa xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga gobolka.
Sidoo kale, magaalada Jigjiga waxaa gaaray Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo masuuliyiintan ay qeyb ka yihiin xarig jarka iyo booqashada xarumo muhiim ah oo deegaanka ku yaalla.
Socdaalka ayaa qeyb ka ah dadaallada is-dhexgalka gobolka, horumarinta iskaashiga, iyo kormeerka mashaariicda horumarineed ee ka socda deegaanka.











