Muqdisho, Febraayo 05, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa si weyn ugu mahadceliyay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ansixinta heshiisyada muhiimka ah ee la xiriira horumarinta badda iyo badmaaxiinta Soomaaliyeed.
Heshiisyadan ayaa lagu tilmaamay kuwo xoojinaya iskaashiga caalamiga ah, sugaya badqabka badda, kor u qaadaya kalsoonida iyo sumcadda dalka, isla markaana damaanad qaadaya ilaalinta xuquuqda shaqaalaha badda Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb muhiim ah ka yihiin siyaasadda guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta arrimaha badda iyo hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka.
Ugu dambeyn, Wasiirku waxa uu uga mahadceliyay madaxda sare ee dalka dadaalkooda joogtada ah, aragtidooda fog iyo taageerada ay siiyaan horumarinta kaabeyaasha badda iyo badmaaxiinta Soomaaliyeed.











