Friday, July 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

NISA oo howlgal ku dishay horjooge Axmed Dhuxul oo ka tirsan Khawaarijta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 months ago
in Wararka
0
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa ku guuleystay in ay shacabka Soomaaliyeed shartiisa dhaafiyaan Horjooge Axmed Dhubad Xidig oo magaciisa afgarashadu ahaa Sheekh Aadan Dheere, kaas Khawaarijta u qaabilsanaa Maaliyadda Gobolka Banaadir, kaddib howlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo ka dhacay deegaanka Daniga Baaloow ee gobolka Shabeellaha Hoose, 27-kii Janaayo.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan oo dul tagay guri uu ku dhuumanayay Horjoogaha ayaa toogtay kaddib markii uu isku dayay in uu dagaal kala hor yimaado ciidanka intii uu socday howlgalka qorshaysan.

Related posts

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

July 10, 2026
Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

July 10, 2026

Horjoogahan oo cadowga Khawaarijta ku biiray sanadkii 2008-dii isla markaana muddo dheer ku howlanaa baadda iyo boobka hantida dadweynaha ayaa hore Khawaarijta wakiil dhinaca baadda uga soo noqday gobollada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose.

Ciidanka NISA oo muddo dheer ku raad-joogay Horjooge Axmed Dhubad Xidig, ayaa ugu dambeyn ku guuleystay in ay soo afjaraan noloshiisa. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab/Daacish, la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454

Previous Post

Golaha Wasiirrada XFS oo baaq ka soo saaray abaarta ka jirta dalkeenna

Next Post

Madaxa Hey’adda SODMA”ummadda Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in ay u gurmadaan dadka la ildaran abaaraha”

Next Post
Madaxa Hey’adda SODMA”ummadda Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in ay u gurmadaan dadka la ildaran abaaraha”

Madaxa Hey’adda SODMA”ummadda Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in ay u gurmadaan dadka la ildaran abaaraha”

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

July 10, 2026
0

Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar, iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

July 10, 2026
0

Muqdisho, 10 Luulyo 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar u soo xiray Saraakiil iyo...

Ururka Siyaasadeedka JSP oo xaruntiisa dhexe ee Galmudug si rasmi ah looga daah-furay Dhuusamareeb

Ururka Siyaasadeedka JSP oo xaruntiisa dhexe ee Galmudug si rasmi ah looga daah-furay Dhuusamareeb

July 10, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maanta lagu daah-furay xarunta dhexe ee Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

July 10, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In