Tuesday, August 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxa Hey’adda SODMA”ummadda Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in ay u gurmadaan dadka la ildaran abaaraha”

Madaxa Hey’adda SODMA”ummadda Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in ay u gurmadaan dadka la ildaran abaaraha”

Ali Ahmed by Ali Ahmed
7 months ago
in Wararka
0
Madaxa Hey’adda SODMA”ummadda Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in ay u gurmadaan dadka la ildaran abaaraha”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

August 25, 2026
Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

August 25, 2026

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle oo ka hadlay barnaamijka todobaadka ee warbaahinta qaranka ayaa faahfaahin guud ka bixiyay xaaladda abaarta ka jirta dalka , saameynta ay ku yeesheen dadka iyo sida ugu habboon ee gacan looga geysan karo badbaadinta qeybaha bulshada ee la ildaran abaaraha.

Guddoomiyaha ayaa xusay in dowladihii kaalmeyn jiray Soomaaliya ay joojiyeen howlihii dhinaca samofalka,sidaas daraadeedna loo baahan yahay in shacab iyo dowladba la isku tashto oo laga qeybqaato sidii loo samatabixin lahaa dadka iyo xolaha.

Madaxa SODMA waxa uu qiray in guud ahaan gobollada dalka ay ka jiraan biyo iyo cunto la’aan ay sababeen maqnaanshaha xilliyada roobabka,kuwaas oo dhaliyay in la galo wajiga afaraad ee sheehaya heerka qatarta ee  cabirka abaaraha.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka waxa uu ka dhawaajiyay in haddii waqtiyada soo socda aan la helin gurmad bin’aadanimo ay qatar gali doonaan dad badan oo Soomaali ah,sidaa daraadeed,waxa uu mar kale codsaday in loo istaago wax u qabasha dadka ku barakacay abaaraha.

Illaa shan milyan oo ruux oo ku kala nool gobolada Awdal,Gedo,Hiiraan, Baay, Bakool,Mudug, ,Gaalgaduud,Woqooyi Bari,Sanaag,Gobolada Woqooyi Galbeed iyo Jubbooyinka ayaa la sheegay in ay soo wajaheen abaarihii ugu darnaa ee la arko muddooyinkaan.

Previous Post

NISA oo howlgal ku dishay horjooge Axmed Dhuxul oo ka tirsan Khawaarijta

Next Post

Gobolka Banaadir oo qorsheynaya in la hagaajiyo goobaha biyo fariisiga ah ee Muqdisho

Next Post
Gobolka Banaadir oo qorsheynaya in la hagaajiyo goobaha biyo fariisiga ah ee Muqdisho

Gobolka Banaadir oo qorsheynaya in la hagaajiyo goobaha biyo fariisiga ah ee Muqdisho

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

August 25, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku qaabilay Ruth...

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

August 25, 2026
0

Shirweynaha Xiriirinta Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay, iyadoo ay ka qeybgalayaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku soo dhaweeyay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

August 24, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan dhiiragelin iyo bogaadin ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In