Friday, June 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka Heerka Wasiirrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee A3

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
4 months ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka Heerka Wasiirrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee A3
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka Heerka Wasiirrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay A3 ee Xoojinta Doorka Afrika ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Iyadoo ay barbar socoto qabsoomidda Shir-Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, isaga oo ah Isu-duwaha Kooxda A3, ayaa guddoomiyay Shirkii Lixaad ee Heerka Wasiirrada A3.

Related posts

Madaxweynaha Burkina Faso, oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Burkina Faso, oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

June 26, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

June 26, 2026

Shirka waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Liberia, Marwo Sara Beysolow Nyanti; Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, Marwo Noëlla Ayeganagato Nakwipone; Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka, Danjire Bankole Adeoye; iyo Kormeeraha Joogtada ah ee Midowga Afrika u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Mohamed Fathi Edrees.

Wasiirradu waxay mar kale xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay horumarinta mudnaanta iyo danaha Afrika ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyaga oo adkeeyay baahida loo qabo xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda u dhexeysa Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika iyo Kooxda A3, si loo mideeyo codka Afrika loona kordhiyo saamaynteeda istaraatiijiyadeed ee heer caalami.

Sidoo kale, waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda midnimada Afrika oo ku dhisan aragti istaraatiiji ah oo cad iyo mabda’ wada-tashi ku saleysan, xilli ay jirto hubanti la’aan sii kordhaysa oo ka jirta nidaamka caalamiga ah, iyaga oo ku baaqay in la dhowro lana xoojiyo nidaamka wada-jirnimada caalamiga ah (Multilateralism).

Previous Post

AKHRISO:-Guudmarka Khudbadda Madaxwayne Xasan Sheekh ee Shir Madaxeedka Labaad ee Afrika iyo Talyaaniga

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad lagu soo bandhigayay guulihii DFS ee Shirweynaha Isbadalka Cimilada Adduunka

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad lagu soo bandhigayay guulihii DFS ee Shirweynaha Isbadalka Cimilada Adduunka

Ra'iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad lagu soo bandhigayay guulihii DFS ee Shirweynaha Isbadalka Cimilada Adduunka

Madaxweynaha Burkina Faso, oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Burkina Faso, oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

June 26, 2026
0

Danjiraha JFS ee dalka South Sudan, isla markaana ah Danjiraha Ma-degenaha ah ee Soomaaliya ee Burkina Faso, ayaa maanta guddoon...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

June 26, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qayb galay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusay 66 sano...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

June 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa isaga oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, hambalyo iyo bogaadin...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Wasaaradda kusoo dhaweeyay kusimaha safiirka Liibiya ee Soomaaliya 

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Wasaaradda kusoo dhaweeyay kusimaha safiirka Liibiya ee Soomaaliya 

June 23, 2026
0

Muqdisho, 23 June, 2026: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In