Saturday, November 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulan wadatashi ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 months ago
in Wararka
0
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulan wadatashi ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa qabatay kulan wadatashi hal maalin ah si dib-u-eegis iyo talooyin looga helo qabyo-qoraalka Xeer-Nidaamiyaha Ilaalinta Xuquuqda Macaamiisha Isgaarsiinta.

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay shirkadaha isgaarsiinta, bixiyeyaasha adeegga internet-ka (ISPs), shirkadaha ka shaqeeya xargaha badda hoosteeda mara, wakiillo ka socday macaamiisha, iyo daneeyayaal kale oo muhiim ah si ay u falanqeeyaan qaab-dhismeedka qabyo-qoraalka una bixiyaan talooyin ku saabsan hirgelintiisa wax-ku-oolka ah.

Related posts

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo lagu hor dhaariyay Madaxweynaha JFS

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo lagu hor dhaariyay Madaxweynaha JFS

November 7, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

November 5, 2026

Wadatashigu wuxuu iftiimiyay ujeeddada siyaasadeed, mabaadi’da hagta xeer-nidaamiyaha, iyo qodobbada muhiimka ah ee ku jira qabyo-qoraalka.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, oo ka hadlay furitaanka kulanka, ayaa tilmaamay baahida loo qabo xoojinta kalsoonida macaamiisha maadaama suuqa dijitaalka ee Soomaaliya uu sii ballaaranayo.

“Jawi isgaarsiineed oo caddaalad ah, hufan, isla markaana isla-xisaabtan leh ayaa lagama maarmaan u ah dhisidda kalsoonida dadweynaha iyo taageeridda isbeddelka dijitaalka ah ee dalka. Ilaalinta xuquuqda macaamiishu waa masuuliyad wadajir ah oo ka dhexaysa Hay’adda iyo bixiyeyaasha adeegga.”

Qabyo-qoraalka xeer-nidaamiyuhu wuxuu dejinayaa ilaalin cad oo ku saabsan xuquuqda macaamiisha iyo heerarka tayada adeegga; wuxuu xoojinayaa hufnaanta qiimeynta iyo shuruudaha qandaraaska; wuxuu qeexayaa waajibaadka hawl-wadeennada iyo shuruudaha u hoggaansanaanta, wuxuuna dhigayaa tallaabooyin fulineed iyo ganaaxyo lagu xaqiijinayo isla-xisaabtanka guud ahaan qaybta Isgaarsiinta.

Daneeyayaashu waxay soo jeediyeen aragtiyo la xiriira arrimaha hirgelinta, jadwalka waqtiga, iyo diyaar-garowga u hoggaansanaanta. Sidoo kale, waxaa dib-u-eegis lagu sameeyay natiijooyinka Sahanka Ilaalinta Macaamiisha iyo qorshaha lagu dhammeystirayo laguna dhaqan-gelinayo.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka waxay tixgelin doontaa dhammaan talooyinka la soo jeediyay ka hor inta aan la soo saarin nuqulka kama dambaysta ah ee Xeer-Nidaamiyaha Ilaalinta Xuquuqda Macaamiisha Isgaarsiinta. Hay’addu waxaa ka go’an horumarinta suuq Isgaarsiineed oo tartan leh, ammaan ah, isla markaana si buuxda u ilaaliya danaha macaamiisha guud ahaan dalka.

 

Previous Post

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Addis Ababa kula kulmay Claver Gatete

Next Post

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo qalabka diiwaangelinta gaarsiiyay Matabaan

Next Post
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo qalabka diiwaangelinta gaarsiiyay Matabaan

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo qalabka diiwaangelinta gaarsiiyay Matabaan

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo lagu hor dhaariyay Madaxweynaha JFS

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo lagu hor dhaariyay Madaxweynaha JFS

November 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu hor dhaariyay Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka, Garyaqaan...

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

November 5, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaanka la doortay ee Dowlad Goboleedka...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA BFS OO KA QEYB GALAY CALEEMA-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA BFS OO KA QEYB GALAY CALEEMA-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

November 5, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐲 𝐚𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐞 𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐞𝐲𝐬𝐚𝐧 (𝐇𝐚𝐥𝐦𝐞𝐞𝐥)

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐲 𝐚𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐞 𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐞𝐲𝐬𝐚𝐧 (𝐇𝐚𝐥𝐦𝐞𝐞𝐥)

November 4, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay agaasime ku-xigeenka Xarunta Adeegyada Mideysan (Halmeel). Mudane Xamsa oo cuskanaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In