Tuesday, February 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Fatxudiin oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Kazakhstan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 hours ago
in Wararka
0
Danjire Fatxudiin oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Kazakhstan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjire Fatxudiin Cali Maxamed, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Kazakhstan, ayaa kulan heer sare ah kula yeeshay magaalada Astana mas’uuliyiin sare oo ka tirsan waaxda tamarta ee Kazakhstan, si loo sahmiyo fursadaha iskaashi ee ku saabsan sahminta iyo horumarinta shidaalka iyo gaaska.

Kulamada waxaa ka mid ahaa la-kulanno uu la yeeshay Askhat Khassenov, Guddoomiyaha Guddiga Maamulka ee KazMunayGas, iyo Mudane Sanzhar Zharkeshov, Wasiir Ku-xigeenka Tamarta ee Jamhuuriyadda Kazakhstan.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo qaabilay xubin sare oo ka tirsan Qoyska Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweynaha JFS oo qaabilay xubin sare oo ka tirsan Qoyska Boqortooyada Ingiriiska

February 24, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo adkaynaysaa hirgelinta hannaan doorasho oo waafaqsan dastuurka dalka

February 24, 2026

Wadahadalladu waxay diiradda saareen iskaashi suurtagal ah oo ku saabsan waaxda tamarta gaar ahaan qeybta hore (upstream), taasoo muujinaysa dan wadajir ah oo ku aaddan dhisidda iskaashi faa’iido u leh labada dal. Dhinaca Kazakhstan ayaa muujiyay awooddooda farsamo ee xooggan, khibradda ballaaran ee ay u leeyihiin sahminta khayraadka shidaalka iyo gaaska (hydrocarbons), iyo furfurnaantooda ku aaddan iskaashi caalami ah, gaar ahaan suuqyada tamarta ee soo koraya.

Intii lagu guda jiray kulamada, Danjiraha  ayaa soo bandhigay fursadaha ka jira Soomaaliya ee la xiriira shidaalka iyo gaaska dhulka (onshore) iyo badda (offshore), isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta khayraadka si mas’uuliyad leh, dejinta hannaan sharci oo hufan, iyo la shaqeynta shirkado caalami ah oo khibrad leh.

Labada dhinac ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimada sahminta juqraafiyeed (geological exploration) oo saldhig u ah iskaashi waqti dheer ah, oo ay ku jiraan adeegsiga tiknoolajiyada casriga ah sida helidda xogta seismic, falanqaynta xogta sare, iyo qaabaynta dhulka hoostiisa (subsurface modeling). Waxaa sidoo kale la isla gartay muhiimadda wareejinta aqoonta, kobcinta awoodda (capacity-building), iyo iskaashi farsamo si loo taageero horumar waara oo dhinaca tamarta ah.

Kulamada ayaa ku soo dhammaaday muujinta rabitaan wadajir ah oo lagu xoojinayo wada-hadalka iyo in la sahmiyo waddooyin wax-ku-ool ah oo iskaashi oo ku saabsan shidaalka iyo gaaska, taasoo calaamad u ah tallaabo wanaagsan oo lagu xoojinayo xiriirka dhanka tamarta ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kazakhstan.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo qaabilay xubin sare oo ka tirsan Qoyska Boqortooyada Ingiriiska

Danjire Fatxudiin oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Kazakhstan

Danjire Fatxudiin oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Kazakhstan

February 24, 2026
0

Danjire Fatxudiin Cali Maxamed, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Kazakhstan, ayaa kulan heer sare ah kula yeeshay magaalada...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay xubin sare oo ka tirsan Qoyska Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweynaha JFS oo qaabilay xubin sare oo ka tirsan Qoyska Boqortooyada Ingiriiska

February 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Marwo Sophie (Duchess of Edinburgh) oo ah...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo adkaynaysaa hirgelinta hannaan doorasho oo waafaqsan dastuurka dalka

February 24, 2026
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay adkaynaysaa hirgelinta hannaan doorasho oo waafaqsan dastuurka dalka, kana turjumaysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la ilaalineysa...

Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi sare oo ka socda Sweden

Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi sare oo ka socda Sweden

February 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Xarunta Qaran ee Gurmadka Degdegga ah (NEOC) ku soo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In