Wednesday, February 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Tartamayaasha Xudur oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 hours ago
in Barnaamijyada, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Xudur oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 7-aad ku tartamay Degmooyinka Boondheere iyo Xudur oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Bakool. waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Related posts

Danjire Fatxudiin oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Kazakhstan

Danjire Fatxudiin oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Kazakhstan

February 24, 2026
Madaxweynaha JFS oo qaabilay xubin sare oo ka tirsan Qoyska Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweynaha JFS oo qaabilay xubin sare oo ka tirsan Qoyska Boqortooyada Ingiriiska

February 24, 2026

Tartameyaasha labada degmo ee Boondheere iyo Xudur ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Boondheere

Tartameyaasha Degmada Boondheere ee Gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Xudur,, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Boondheere ay heleen waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.

Xudur

Tartamayaasha Degmada Xudur ee Gobolka Bakool waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay dhigooda Boondheere,, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xudur waxay noqotay Toban (12) dhibcood.

Hadaba kulankii 7-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Xudur ee Gobolka Bakool, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi, maadaama ujeedka tartanka uu yahay in lagu tartamo cilmi iyo Aqoon.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 8-aad ee tartanka waxaa ku loolami doona Degmooyinka Wadajir iyo C/casiis oo ka wada tirsan Gobalka Benaadir.

Sawir Qaade:-Ciise Mukhtaar

Previous Post

Danjire Fatxudiin oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Kazakhstan

Tartamayaasha Xudur oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Xudur oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

February 24, 2026
0

  Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos...

Danjire Fatxudiin oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Kazakhstan

Danjire Fatxudiin oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Kazakhstan

February 24, 2026
0

Danjire Fatxudiin Cali Maxamed, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Kazakhstan, ayaa kulan heer sare ah kula yeeshay magaalada...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay xubin sare oo ka tirsan Qoyska Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweynaha JFS oo qaabilay xubin sare oo ka tirsan Qoyska Boqortooyada Ingiriiska

February 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Marwo Sophie (Duchess of Edinburgh) oo ah...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo adkaynaysaa hirgelinta hannaan doorasho oo waafaqsan dastuurka dalka

February 24, 2026
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay adkaynaysaa hirgelinta hannaan doorasho oo waafaqsan dastuurka dalka, kana turjumaysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la ilaalineysa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In