Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 27-aad ee Wareegga 3-aad kulankii 4-aad ku tartamay Degmooyinka Hodan iyo Wanla-weyn oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Shabeellaha Hoose. waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartameyaasha labada degmo ee Hodan iyo Wanla-weyn ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Hodan
Tartameyaasha Degmada Hodan ee Gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Dhamaan 7-dii su’aal, ee la weydiiyay, Waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Wanla-weyn, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Hodan waxay noqotay Lix iyo Toban (16) dhibcood.
Wanla-weyn
Tartamayaasha Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, halka ay iska qaldeen Labo su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi oo ay heleen sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Wanla-weyn waxay noqotay Toban (10) dhibcood.
Hadaba kulankii 27-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Afar dhamaadka u soo gudbay tartamayaasha Degmada Hodan ee Gobolka Benaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi, maadaama ujeedka tartanka uu yahay in lagu tartamo cilmi iyo Aqoon.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 27-aad ee tartanka, waxaa jiri doona labo tartan, qeybta 1-aad waxaa ku loolami doona Degmooyinka Kaaraan iyo Gubadley oo ka wada tirsan Gobalka Benaadir,, halka qeybta 2-aad ay is wajihi doonaan Degmooyinka Buula-burte iyo Hodan oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Benaadir.

Sawir qaade:- Ciise Mukhtaar










