Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan mira dhal ah la qaatay Ra’isul Wasaare Ku-xigeenka dalka Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Axmed (Black), Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macallin (Daada), Lataliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee dhinaca Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan (Xaamud).
Ujeedka kulanka ayaa waxa uu ahaa xaaladaha guud ee deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, sidii loo wajihi lahaa, in laga wada qeyb qaato horumarka iyo dib u heshiisiinta deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale sidii loo ilaalin lahaa midnimada iyo wadajirka dadka reer Koonfur Galbeed, islamarkaana looga hortegi lahaa wax walba oo wax u dhimi kara midnimadooda.











