Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid ah diblomaasiyiinta Safaaradda ayaa ka qayb galay munaasabad casho sharafeed diblomaasiyadeed ah oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Ardayda Caalamiga ah ee Jaamacadda Daystar (International Students Association).
Munaasabaddan ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, iyadoo ay ka soo qaybgaleen arday iyo marti sharaf kala duwan oo ka kala yimid dalal kala duwan, taasoo muujinaysa is-dhexgalka iyo wada noolaanshaha bulshooyinka caalamiga ah.
Xoghayasha 1aad, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat iyo Mardiya Abdi Mohamed ayaa si gaar ah u amaanay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadda Daystar, isagoo bogaadiyay dadaalkooda waxbarasho iyo ka qaybgalka firfircoon ee ay ku leeyihiin hawlaha ardayda. Wuxuuna tilmaamay in ardaydu ay yihiin mustaqbalka dalka, isla markaana looga baahan yahay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda.
Sidoo kale, Xoghayaha ayaa ka faa’iideystay fursaddaas si uu u dhiirrigeliyo ardayda Soomaaliyeed, kuna boorriyay inay ka faa’iidaystaan waxbarashada, kana shaqeeyaan horumarinta naftooda iyo dalkooda.
Ugu dambeyn, munaasabadda ayaa kusoo dhammaatay jawi wanaagsan oo ay ka muuqatay is-faham, is-ixtiraam iyo xiriir wanaag u dhexeeya ardayda iyo martida kale.











