Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray Magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya,halkaasi oo loogu sameeyay soo dhaweyn diiran.
Wafdigaasi waxaa garoonka diyaaradaha ee Tripoli ku soo dhaweeyay Mudane Fathallah Abdel-Latif Al-Zani, Wasiiru-dawlaha Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Liibiya.
Wasiirka ayaa kulan la qaatay madaxda wasaardda arrimaha dibadda ee Dalka Liibiya,kuwaas o ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal kor u qaadista iskaashiga laba geesoodka ah iyo adkeynta xasilloonida iyo horumarka wadajirka ah ee qaaradda.










