RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay dhiggiisa Liibiya Mudane Daahir Al-Baour, iyagoo ka wada hadlay horumarinta iskaashiga iyo saaxiibtinimada labada dal.
Labada Wasiir ayaa si gaar ah diiradda u saaray arrimaha tahriibka iyo socdaalka sharci-darrada ah, iyagoo isla falanqeeyay dhibaatooyinka ay la kulmaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku safra marinnada halista ah, sidoo kalena waxay adkeeyeen muhiimadda la-dagaallanka kooxaha dambiyada abaabulan.
Ugu dambeyn, waxaa la isku afgartay in dib loogu soo celiyo dalka ilaa 400 oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah, halka labada dhinac ay sidoo kale is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan xaaladaha gobolka iyo caalamka, iyagoo ku heshiiyay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dal.











