Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Tripoli kaga qayb-galay munaasabadda dib-u-hawlgelinta xarunta ururka Dalalka Xeebaha iyo Saxaraha (CEN-SAD), taas oo uu xariga ka jaray Ra’iisul Wasaaraha dalka Liibiya, Mudane Abdul Hamid Dbeibah.
Ururka CEN-SAD oo la aasaasay sannadkii 1998-dii, xaruntiisuna tahay caasimadda Tripoli, ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta iskaashiga dhaqaale, is-dhexgalka bulsho iyo nabadgelyada 28-ka dal ee xubnaha ka ah, Dib-u-furista xaruntan ayaa timid ka dib markii uu muddo hakad ku jiray hawlihii uu ururku ka hayay dalka Liibiya.
Ka-qaybgalka Soomaaliya ee munaasabadan ayaa muujinaysa sida ay dowladda Federaalka uga go’an tahay inay door firfircoon ka qaadato iskaashiga gobolka iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka Afrika.











