Xildhibaanada haweenka ah ee ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), oo ay hoggaamineyso Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Samatar, ayaa xalay magaalada Muqdisho kulan is-xogwareysi iyo isbarasho ah kula yeeshay xubnaha haweenka ah ee ka tirsan xildhibaanada Soomaaliya ku metela Baarlamaanka Urur-Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta, isdhaafsiga khibradaha sharci-dejinta, iyo doorka haweenka ee horumarinta siyaasadda iyo dhaqaalaha gobolka. Intii uu socday kulanka, waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay caqabadaha hortaagan ka-qaybgalka haweenka ee hoggaaminta, iyo sidii loo dardargelin lahaa matalaaddooda heer qaran iyo heer gobol.
Xildhibaanadu waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in haweenku door muuqda ka qaataan go’aan-qaadashada, si loo xaqiijiyo bulsho caddaalad iyo sinaan ku dhisan. Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan in la sii xoojiyo wada shaqeynta iyo xiriirka u dhexeeya haweenka Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuwa EAC.










